Boliska oo arintan baaraya ayaa sheegeen in xabada ku dhacday wiilkan ey tahay mid aad u weyn islamarkaana ey dhici karto in laga soo tuuray qoryaha fud-fudud.
Sidoo kale waxa ey ka hadleen bolisku dhaawaca wiilkan, waxeyna yiraahdeen "Dhaawacu waa mid halis ah, waxa uu maray wiilkan qaliin laakiin waxaa laga yaabaa in uu u baahdo qaliimo kale oo hor-leh", sidaasi waxaa yiri Einar Aas oo ah madaxa boliska degmada Askar ee gobolka Akershus.
Xalay ayaa waxa ey bolisku waardiye dhigeen kaamka uu falkani ka dhacay, waxaana ey roondo ku sameynayeen xaafadda uu kaamka ku yaalo.
Wali lama hayo cida falkan ka danbeysa laakiin waxaa dabagal aan caadi aheyn arintan ilaa iyo iminka ku haya boliska.
Xabadahan ayaa la rumeysan yahay in muwaadinkan Somaliga ah ey si kama ah ugu dheceen islamarkaana aan isaga loo wadin. Qofkan soo toogtay dadka kaamka ku jira ayaa walaacbadan ku abuurtay dhaliyaradii kaamkaas degenayd iyo dadkii  asalkoodu norska ahaa ee halkaas degenaa.
Waxa fooda isdaray ciyaartii u horaysay kooxda la yidhaahdo Kacaan iyo Hilaac oo labaduba ah Kooxaha ka jira Allaybaday  taasi oo ay halkaasi guushu ku raacday kooxdii Kacaan 4 gool iyo 2 laba gool oo ay keentay kooxdii Hilaac.
Waxa Ciyaar kale oo xiiso badani ay dhexmartay Maalintii Axadii oo ay bishu ahayd  13/07/08  labada kooxood ee kala ah kooxda D/Hoose ee Allaybaday iyo Kooxda Omar International Wajaale, ciyaartaasi oo ku dhamaatay 2 iyo 1 ay Guushu ku raacday Kooxdii Omar International ee Degmada Togwajaale.
Waxa kale oo iyana Fooda isdaray Kooxaha Tigers oo ah kooxaha ka jira Allaybaday iyo Kooxda Sooyaal Togwajaale  ciyaartaasi oo ahayd mid aad u xiiso badan jeclaysdeena indhihii daawadayaashu ayaan labada kooxodba waxba iska dhalin, ciyaartiina ay ku dhamaatay goolal la’aan .
Hada waxaa isku hadhay 8 kooxood oo sidan u kale ciyaaraya:
Kacaan (Allaybaday) - Soyaal (Wajaale)
Xidhinta (Allaybaday) - UHWA (Allaybaday )
D/Hoose (Allaybaday) - Omar international Wajaale
Tigers (Allaybaday) - Taysa (Allaybaday)
Koobkay oo aad u xiiso badan waxaa ciyaarta Final-ka la qabanaa maalinta 21.July. maalintaa oo la bixinaayo dhamaan agabyadii iyo qalabyadii sporta ee lageenay magaalada, waxaana qeybinayaa, wafdi balaadhan oo ka kooban, wasiiro, madaxda gobolka iyo degmada oo hogaaminaayo Gudoomiya ku xigeenka Aqalka wakiilada JSL oo qabtay Koobkan, Mudan A/ASIIS MOHAMED SAMAALE.
Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)
DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND
Ilo xogogaal ah oo ku dhowdhow kulankaas ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey xalay in Komishanka Doorashooyinku u bandhigeen wakiillada ka socday saddexda xisbi qaran jawdalka ay u qorsheeyeen qabashada doorashada Madaxweynaha oo ah 29 March 2009 iyo waqtiga hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaashi si rasmi ah dalka ugu bilaabmi doonto.
Waxa kale oo ilahaasi tibaaxeen in masuuliyiinta axsaabta uga qaybgalay kulankaasi ay isula qaateen jadwalka Komishanku ku muddeeyey waqtiga qabsoomidda doorashada Madaxtooyada iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Maanta ayaa la filayaa in Guddiga Doorashooyinku u gudbiyaan Madaxweyne Rayaale qorshaha jadwalka cayimadda doorashada Madaxtooyada iyo diiwaangelinta ee ay isku waafaqeen saddexda xisbi qaran, si uu muddo 15 maalmood gudahood ah ugu soo saaro wareegto lagu dhaqangelinayo, iyadoo markaa kadibna ay si rasmi ah dalka uga bilaabmi doonaan hawlaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Geesta kale xogo u dhowdhow Komishanka Doorashooyinka, ayaa sheegay in ay hadda gacanta ku hayaan lacag dhan 11 milyan doollarka Maraykanka oo ka mid ah dhaqaalaha deeqbixiyeyaashu u qoondeeyeen hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo 75% guud ahaan kharashka ku baxay doorashooyinka, halka 25%-ka soo hadhayna ay bixinayso xukuumadda Somaliland.
Jadwalka qabsoomidda doorashooyinka ee Komishanku shalay u bandhigeen saddexda xisbi qaran, waxa uu qayb ka yahay heshiiskii ay dhowaan lagu soo afjaray khilaafyadii ka taagnaa doorashada iyo muddo-dhaafka xilka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
Source: Jamhuuriya Online
C/laahi Cumar Cashuur Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee Gobolka Sanaag ayaa intaasi raacshay mar uu uwarameyey Somali Broadcasting Corporation in ciidamadii Puntland ee laasqoray hada ku sugan yihiin Degmada Badhan ee isla gobolka Sanaag , taliyuhu ma aanu sheegin sababta iyo qaabka ciidamada Puntland uga soo baxeen magaalada Laasqoray oo aad muhiim uga ah jiritaanka Dowlad Goboleedka Puntland .balse wuxuu cadeeyey in Ciidamada Somaliland ay hada ku sugan yihiin Laasqoray sida ugu dhakhsaha badana ay uga saari doonaan.
Gobolka Sanaag ayaa waxaa uu ka mid yahay meelaha sida weyn ay ugu muransan yihiin maamulada Garoowe iyo hargaysa, waxayse xiisadan cusub bilaabatay ka dib markii koox Somali ah ay la tageen duleedka Laasqoray dad ajaanib ah oo ay soo afduubteen taas oo sababtay in ciidamo Labada Maamul ka socdaa halkaasi gaadhaan ..
Qabsashada Laasqoray ayaa noqonaysa Guuldaradii Labaad ee xukuumada hada ka talisa Puntland iyadoo horena ay gacanta Madaxwayne cadde Muuse uga baxday inta badan Gobolka Sool gaar ahaan Magaalo madaxda laascaanood.
C/qaadir Gaabuush
Source: Afnugaal.
Sheekh Maxamed Cali Geedi iyo Ganacsade Cabdikariim Maxamed Iid ayaa iyaguna sidoo kale dadweynaha kula hadlay Masaajidka HUDA.
Talaabadan ayaa ka dambeysay markii tan iyo shalaytooleba ay xukumada Somaliland ku guuldaraysatay inay furto jidadka isku xidha magaalada Hargeysa dhinaceeda Koonfureed.
Dhanka kale waxa ilaayo imika laysku horfadhiyaa halkii Riigu yaallay iyadoo
dadweyne aad utiro badani ku gadaaman yihiin isla markaana ku wareejiyeen Dhagxaan,waxaana laga baqayaa hadii Ciidamada Boolisku iyo kuwa qarankuba isku dayaan inay isticmaalaan xoog inay taasi keeni karto isku dhac hubka laysu qaato.
Waxaana ilaayo imika xidhan jidka dheer ee kasoo dhaadhaca anba galla madaarka, iyadoo ay diideen dadweynihii mudaharaadayay in la qaaddo.
Source: Hormoodnews
Hormoodnews
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa u diray fariin ku saabsan dhacdadii shalay ka dhacday xaafad ka tirsan Magaalada Hargeysa , isaga oo ka tacsiyadeeyay intii ku dhimatay , inta ku dhaawacantayna ilaahay uga baryay inuu caafimaad siiyo .
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland siiba dhalinyarada ka qayb gashay dhacdadaasi foosha xun uga digay in aanay dan u ahayn iyaga iyo dadweynaha reer Somaliland toona , xasilooni darada ay ku kaceen qaar ka mid ah dhalinyarada reer Hargeysa , isla markaana ay mudnaanta koowaad ay siiyaan Nabad gelyada iyo xasiloonida dalka.
Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu ugu horeyn u tacsiyadeeyay dhamaan intii ku geeriyootay dhacdaasi , waxana uu yidhi “Waxaan rabaa in run ahaantii ka hadlo dhacdadii shalay magaalada ka dhacday , marka u horeysa waxaan ka tacsiyadaynayaa dhamaan intii ku geeriyootay shalay dhacdadaasi ka dhacday ayaan ka tacsiyadaynayaa , intii ku dhaawacantay Ciidanka Booliiska iyo shacaba wixii ku dhacay waan ka tacsi yadaynayaa”.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Runtii waxaan ku tilmaamayaa dhacdadaasi shalay dhacday nasiib darro Somaliland ka dhacday ayaan ku tilmaamayaa , Riigan anaa keenay , waxaan u keenay Somaliland baahida biyood ee ka jirta in wax lagaga qabto , xaafad gaar ah umaan keenin , cid gaar ah oo aan u keenayna ma jirin run ahaantii , Berbera ayuu ka soo degay , Berbera ilaa Hargeysa inta u dhaxaysa meel aan in biyo laga qodaa u baahnayn ma jirin , laakiin maadaama ay Hargeysi caasimadii tahay , bal in aan Hargeysa weliba Koonfurta biyo ka raadiyo ayaan mudnaanta koowaad siiyay , cid reer ah iyo cid gaar ah oo aan kala tashaday in aan halkaasi geeyana ma jirin , waayo talada riiga waxa ay ku ekayd anaga oo xukuumada ah iyo cida inoogu deeqday inaan taladiisa ka wada socono , hadba meeshii baahida loo arko mudnaanta koowaad in la siiyo ayay ahayd , waxaan ku talinay meeshaa horta oo ilaa Ingiriiskii biyo laga soo saari kari waayay , maadaama riigani riig cusub yahay bal horta Koonfurtaa Hargeysa oo biyo la’aantu ku badan tahay in lagu tijaabiyo Biyaha u horeeya in laga soo saaro , ceelkii u horeeyay ee laga qoday , waa run biyo waa laga waayay , ta labaad qolada farsamada yaqaanada ee Biyaha iyo qolada ka shaqaynaysa waxay sheegeen in ceelkan dambe laftigiisu u baahan yahay gudaha ka dumayo ……., qalab farsamo u baahan yahay , oo qalabkaasi farsamo loogu maqan yahay , riigu dhaq dhaqaaqiisa waxa masuuliyadiisa lahaa cida inoogu deeqday iyo xukuumada sidaan horeba u sheegay , iskama fadhiyayo, in uu meelaha kala tago , oo uu ka qodo , wuxuuna tegayay bay ahayd Gabilay oo ceelka qodi lahaa isagana oo ku jiray Barnaamijkii marka horeba loogu tallo galay , marka uu Hargeysa iyo nawaaxigeedana wixii biyo laga qodi karo ka dhameeyana meelaha kale ee dalka uu tago ayaa loogu tallo galay , waxaan leeyahay arrintaa dhacday waa arrin nasiib darro ah , dhalinyarada waxaan u sheegayaa cid kasta oo idin tidhi buuqaasi sameeya idinkana idiin may tudhin , Qaranka Somalilandna umay tudhin , ummada guud ahaan umay tudhin , taladaasina tallo manfac leh oo lagu kacay maaha , waxaan idiin soo jeedinayaa oo uu hadalkaygu maanta daaran yahay joojiya khaladkaa socda , cid dambe oo inaga dhimata uma baahnin , tallo xumo dambe oo meeshaa ka dhacdana uma baahnin’’.
Madaxweyne Rayaale isaga oo la hadlaya dadweynaha reer Somaliland iyo dhalinyaradaba , waxa uu yidhi “waxaan u soo jeedinayaa shacbiga reer Somaliland-na, doraad waxa inoo yimid deeq bixiyayaashii caalamka , oo dalkan u yimid in deeq toos ah la siiyo oo dalkan wax laga qabto , habeenimadii ayuu buuqan riigu bilaabmay iyo arrimihiisu , markaa waxaan anigu is leeyahay cid kale oo aan u danaynayn ummadan oo dhalinyaradana khaladay oo tallo ku leh ayaan anigu aaminsanahay , waxaan ku boorinayaa dhalinyarada muwaadiniin mustaqbal leh ayaad tihiin , dalkiina haddii uu nabad noqon waayo oo aad ogolaan waydaan in maamulkan dawladnimadu uu shaqeeyo mustaqbalkiinuna wuu madoobaanayaa ‘’.
Mudane Rayaale isaga oo tallo u soo jeedinaya Dhalinyarada , waxa uu yidhi “Waxaan idinkula talinayaa caano daatayba dabadeed la qabay , inaad joojisaan , dhagaxa aad dhigteen meesha aad ka qaadaan,waxa kale oo aan ku boorinayaa dadka ku nool caasimada iyo Somaliland-ba ciidankeenaa Booliiska ee tuuga ee balaayo iyo wax kastaba inaga ilaaliya ee maalin kastana la shiidayo in shiidka laga daayo ayaan soo jeedinayaa , Amniga Nabigeenu (SCWS) ilaahay wuxuu baryay amni iyo iimaan , amniga ayaa wax kasta ka horeeya , haddii amni la waayo wax alle iyo wax jiraa ma jiro, Somaliland Runtii dhacdadaasi shalay dhacday dhaawac weyn ayay ku noqotay , sii socodkeeduna dhaawac kale ayuu ku noqonayaa”.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Shacbi weynaha reer Hargeysa u soo jeediyay in ay joojiyaan dhacdadaasi , xaaladana dajiyaan, cida wadana lala hadlo , isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan u soo jeedinayaa dhamaan dadka reer Hargeysa oo dhan in dhacdadaasi la joojiyo , cida wadana cid kastaaba la hadasho , fariintana u gudbiso , aniguna Madaxweyne ahaan fariintaasi ayaan gudbinayaa , dhalinyarada waxaan leeyahay khaladkaa dhacay ka waantooba , ha ku noqonina , halkaa ha ku dhamaado , Riigaana laga wada talin maayo oo la wada maamuli maayee , ileen umad noqon mayno haddii la yidhaahdo anaa ka talinaya birtii la qaadabee, talada in loo kala dambeeyana waan soo jeedinayaa , tijaabo ayuu ahaa riigaasi wax kale ayaa daba socon lahaa , ayaan darro ayay noqonaysaa dadkii inoogu yimid ee deeqda inoo keenay in aynu curaar u qabsano , waa arrin nasiib darro ah ayaan leeyahay , ha laga waantoobo ayaan leeyahay , xaalada ha la dajiyo ayaan leeyahay”.
Mudane Daahir Rayaale Kaahin , ugu danbayntii isaga oo la hadlaya Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha dhacdadan foosha xun ku dhacday , waxa uu ydihi “Odayaasha iyo Waxgaradka Beeshaana waxa aan u soo jeedinayaa in ay dhalinyaradooda la hadlaan , waxna ka qabtaan shaqaaqadaasi halkaasi ka taagan , xukuumadu tallaabo badan oo ay qaadi lahayd diyaar uma aha , waxay dhawri doontaa oo sugi doontaa inta ay dadkaasi talada xaqa u soo noqonayaan , ee ay ka waantoobayaan , waayo diyaar uma aha in ubadkooda cid badani ka dhimato, in ay cid kale ka dhaawacanto , intaa inaga dhimatayna ilaahay ha u naxariisto, samir iyo iimaana dhamaanteen ilaahay ha inaga siiyo’’.
Hargiesa, Dhimashada halkan qof iyo dhaawacaba waxa dadkaasi u geystay ciidamo milatari ah oo ay xukuumadu soo galisay xaafada dunbuluq oo ay rabshado ka bilaabmeen saaka aroornimadii. Ciidamadaas waxay soo galeen abaara labadii duhurnimo wakhtigaasi oo ay sii yaraanayeen dadkii wadooyiinka ku xoonsanaa ee taayirada ku gubayey, isla markaana ku goynayey qoryo iyo dhagaxaan. Ciidamadaasi oo ku gaashaana qoryo iyo tikniko ayaa si toosa dadkaasi rasaasta wa beegsaday, waxaana isla goobtaa ku dhintay hal qof, iyagoo midna calooshay ay kaga dhacday mid kalena ay lugi go’day kuwaasoo dhaawacyo culus qabtay. Ilaa hada waxa isa soo taraya awooda ciidamada ah ee ay dawladu adeegsanayso halka ay dadkiina gadood kale ka muujiyeen sida axmaqnimada leh ee loo laayey.
Source: Boramanews hargeysa
Wasiiradaasi ayaa ka hadlay mudaharaadkii  maanta ka dhacay Degmada Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa ,  oo ay ku tilmaameen mid nasiib darro ah , waxana  ay faah faahin  ka bixiyeen  sida loogu tallo galay  in looga faa’iidaysto  riiga ay dawlada Imaaraadka carabtu ugu deeqday balaadhinta biyaha Caasimada Hargeysa.
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Qaasim Sh. Yuusuf  ayaa sheegay inuu ka xun yahay  mudaharaadkii  maanta ka dhacay Hargeysa , waxana uu yidhi ‘’Maanta waxaanu iskugu kiin yeedhnay  in aanu faah faahin ka bixino ,  arrinta riigan ceelka Biyaha qodaya , waxana  aan  leeyahay wixii dhacay ma aha wax aanu filaynay , cidii ku dhimatay iyo cidii  khasaare  kale ka soo  gaadhayna waanu ka xun nahay , waana nasiib darro  in arrin been  ah oo aan  laga fiirsan  dad inagaga dhintaan’’.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi ‘’Madaxda Qaranku  waxay heegan  u tahay sidii  ay ugu adeegi lahaayeen shacbiga , waxana dawladu  ay  awooda saaraysaa sidii Hargeysa iyo dadkaba biyo  ku filan loogu heli lahaa , waxana  aad ka war qabtaan in safarkii ugu dameebayay ee Madaxweynuhu ku tagay  dalka Imaaraadka Carabta oo inoogu diiqay riigan’’.
Wasiirka oo ka waramayay muadii iyo qaabkii uu riigani u hawl galay , waxa uu yidhi ‘’Riigan casriga  ah  oo ceelkan Koonfurta Hargeysa  qodayay muddo dhawr iyo  labaatan cisho ah  markii uu waday 400 Mitir oo biyo  ku filan laga waayay , ka dibna waxa uu  tagay meel u dhow goobtii uu qodayay  oo la yidhaahdo Masaajidka , halkaasna  markii uu 200 mitir  qodayay ayay ku soo baxday cilad farsamo  waxana ay aqoonyahanadii  sheegeen in  loo baahan yahay qalab  lagu rakibayo oo ay dalbadeen , qalabkaasian waxa uu ku imanayaa dhawr toddobaad ,  laba goobood oo hore loo sahamiyay  oo kala ah Xumbo-weyne  iyo Botor oo labada meeloodba  ku yaala gobolkan Hargeysa’’.
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland  waxa uu beeniyay  in warar sheegayay in  riigaasi loo wareejinayay Magaalada Boorame  waxana uu yidhi ‘’qorshaha  kuma jirto in riiga la geeyo magaalada Boorame iyo galbeedka Somaliland , waxana aan cadaynayaa in riigii uu hadda ku sugan yahay  halkii uu markii hore yaalay , lamina  geynin Boorame iyo  meel kale  oo galbeedka ah midna’’.
Wasiirka Beeraha Somaliland Mudane Aadan Axmed Cilmi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa ugu baaqay  in ay si dajiyaan  oo aan deg deign isla markaana iska hubiyaan  wixii carqalad  ku noqon kara amaanka iyo xasiloonida.
Sidoo Kale Maayarka Caasimada Eng Xuseen Maxamuud Jiciir  ayaa tacsiyadeeyay  eheladii  dadkii ku geeriyooday  iyo kuwii ku dhaawacmay mudaharaadkii shalay ka dhacay  Hargeysa.
Maayarku waxa uu sheegay  in riigan oo loogu tallo galay   in lagu balaadhiyo  biyaha caasimada  Hargeysa   gaar ahaan koonfurta Magaalada , waxana uu tilmaamay in riigan loo keenayo  qalab  awood u siinaya in uu soo saaro biyo  ka badan  inta hadda laga gaadhay  oo uu ku tilmaamay mid  aad u yar.
Source: Somalilandnation.com/Hargeysa
Waxaana ilaayo imika xidhan jidadka isku xidha xaafado ka mid ah magaalada Hargeysa, iyadoo mudaharaadku uu isku xidhaadhsan yahay Min Masallaha ilaayo Jidhka dheer ee hormara Madaxtooyada. Waxaanay ciidamada Booliisku adeegsanayaan rasaas ay dadka shacabka ah ku furayaan si ay ukala eryaan, walina wax khasaare ah oo ka dhashay mudaharaadkan lama soo sheegin ilaay imikka.
Gaadhiga riigu saaran yahay ee mashaqadani ka dhalatay ayaa shalay galabtii si lama filaan ah qalabkiisii uga soo laalaabtay deegaanka tuulada Uubaale oo uu ka qodayey Ceel loogu talagalay inuu waraabiyo xaafadaha Koonfureed ee magaalada Hargeysa, waxaana ilaayo imikka gaadhiga riigu saaran yahay lagu hortaagan yahay Xaafadaha Koonfureed ee Magaalada Hargeysa iyadoo marba marka ka dambeysa ay dadka diidan in la qaado riigu ay kusoo badanayaan goobta lagu hortaagan yahay Riiga.
Xukuumadda Somalliland ayaan wali ka noqon go'aanka ay ku kala jeclaysanayso Muwaadiniinteeda, hasa yeeshee arintan ayaa suurta gal noqon karta inay abuurto isku dhac khasaare horseedi kara saacadaha soo socda, haddii aan laga gurman mashaqadan.
Waxaana goobta riiga lagu haysto goor dhaweyd soo gaadhay Suldaanka Guud ee Salaadiinta Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.
Source: Hormoodnews.
Kadib hesdhiikii dhex maray sadexda xisbi qaran ee jamhuuriyada Somaliland ee dhacay Horaantii bishii June ee ina soo dhaaftay ayey saddexda xisbi qaran iyo Komishanka doorashooyinku qalin ku duugeen heshiis xiliga iyo sida ay doorashooyinka soo socdaa u dhici doonaan. Qodobo sideed ahaa oo la isku raacay salna u ahaa qabsoomidda doorashooyinka ayaa intoodii badnayd, khaas ahaan intii ku xidhnayd golayaasha xeer dejinta, la fuliyey.
Balse ilaa hada ma muuqato tabaabusha loogu jiro doorashooyinku halkay marayaan. waxa dhawaan wiikan aakhirkiisa la filayaa wefti EU-da ka socda oo uu hogaaminayo Ms. Jeremy Hands, madaxda EU-da ee Nairobi weftigaas oo la filayo inuu u caddeeyo Komishanka lacagta iyo goorta ay soo shubayaan. Weftigaas aad baa loogu dhegtaagayaa madaxa iyo shacabka reer Somaliland ba
Waxa kale oo wararku sheegayaan in dhawaan deeq bixiyaashu ay goosteen inay shirkad cusub hawlgeliyaan shirkadaas oo ka caawin doonta komishanka xulashada iyo kormeerka shirkadaha ka hawlgalaya diwaangelinta. Shirkadda la doortay oo sida la sheegay noqotay shirkad Maraykan ah oo dhawaan hawsha ka soo qaybgeli doonta. Sida wararka lagu hayo saddex shirkadood oo qaarkood walaac laga muujiyey ayaa ku jira liiska gaaban (short list) .
In kasta oo aan weli la soo saarin jadwalka cusub ee doorashooyinka ayaa haddana qiyaas ahaan la filayaa inaanay diwaangelintu ka soo hormari karayn bisha Oktoobar. Khubaroda sadaalinta ku xeeldheer ayaa sheegtay marka la eego nooca diiwaangalineed ee ay dooratay Somaliland inaanay 5 bilood iyo wax la mid ah ku suurubi karayn diwaangelintu ee wakhti intaa ka badan loo baahan yahay.hadaba waxaa halkaa kacad inay dhici karto in mar labaad ay dhacdo dib u riixid doorasho oo timaadaa inay dhacdo noqotana inay khalkhal galiso geedi socdkii dimuquraadiyada ee somaliland ku jirtay waqti badan.
Source: BNN Hargeysa
Gobolka Hawad kusoo dhawaada
Hobolladan oo ay horkacayeen xulka fanaaniinta qaranka sida fanaanka Caanka ah ee Basbaas, fanaanada Canab diiriye, iyo jilaaga weyn ee Cabdi-falaash,barnaamijyada qiimaha leh ee ay halkaa ku soo bandhigeen waxay ku ahayd qof aan meesha joogin sheeko. Goobtu waa meel waqooyi bari ka xigta magaalada Baligubadle isla markaana ah beer-roobaad doogu hadheeyay waxa ku sugnaa dadweyne aan tiradeeda la qiyaasi Karin oo isaga kala yimi guud ahaanba gobolada dalka iyo killilka shanaad ee wadanka aynu jaarka nahay ee Itoobiya. : ‘ maanta waxaan xasuustay maalintii aaskii Madaxweynaheenii Marxuum Cigaal, tirada dadka aan arkay iyo baaxadooda’ sidaa waxa yidhi Suldaan Axmed Nuur Samaale oo ka mid ah salaadiinta waaweyn ee Somaliland. Dhinaca kale waxaan la ilaawi Karin hab-maamuuska, ixtiraamka iyo qadarintii ay muujiyeen guddidii qabqaabada munaasibada oo ahaa kuwo loo bogay hab-soo dhawayntoodii.
Ereyga qudha ee martidu ka sinayd madax iyo mijoba ayaa ahaa baligubadle waa hooyadda gobonimada Somaliland, sidaa darted way u qalantaa in gobol iyo wax ka weynba la siiyo. Muj. Muuse Biixi Cabdi oo kamid ahaa madaxdii madasha ka hadashay ayaa isagu dareen ahaan jawigiisu ka gadisnaa madaxda kale isagoo ka sheekeeyay taariikhdii magaaladan, ayaa shucuurtiisu taagnayd sidii maalintii xorriyada aynu la soo noqonayn oo kale.
Halyayada qaaliga ahi
Halkay isku aamineen
Hubkoodana ay dhigteen
Gobolka Hawdoow hambalyo
Horaad u jirtee hambalyo
Waan kuu hanweynee hambalyo
Hambalyo........hambalyo..........
Midhahaasi waxay kamid ahaayeen heesihii ay ku luuqaynayeen fanaanniinta qaranku, iyadoo markay dadweynuhu ereyadaa dhegahooda ku soo dhaceen ay mar qudha fadhiga ka wada kaceen oo ay jiibtu iyo sacabku is oogsatay.
Baligubadle, Hawd, Somaliland.
Source:  Hadhwanaagnews
Koobkan loogu magacdaray Mujaahid Axmed  ayaa ay ka qayb qaadanayaa 12 kooxood oo ah heerka labaad.
Hadaba xafladii furitaanka koobkan ayaa waxa kazoo qayb galay Masuuliyiinta Degmada Allaybaday sidda Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Xasan Cabdi Cali, Gudoomiyaha Sportika degmada Allaybday Axmed Daauud( Axmed sogsog) marti sharaf kale, ciyaartowgii ka qayb qaadanayay tartanka, iyo dadwayne tiro badan oo ah kuwa xiiseeya ciyaaraha.
Hadaba koobkan loogu magacdaray Mujaahid Axmed Golhaye ayay ka qayb qaadanayaan 12 kooxood oo loo qaybiyay 3 group oo kala ah siddan:
The  Ahmed GOLHAYE  CUP, Allaybaday, Somaliland : Year 2008
Group A
Group B
Group C
SOBADO
SOSAPO
STARS
KACAAN
D/HOOSE
LIONS
KACAAN
UHWA
TELCOM
TELESOM
TIGERS
DAHABSHIIL
GROUP A : SOBADO, KACAAN, KACAAN, TELESOM
GROUP B : SOSAPO, D/HOOSE, UHWA, TIGERS
GROUP C : STARS, LIONS, TELCOM, DAHABSHIIL
Waxaa Kale oo Ciyaartowga Degmada Allaybaday u soo socda Koobkii waynaa ee wiikii Waxbarashada iyo Sporta ee Degmada Allaybaday, kaas oo bilaabamaya 21.July. Kaasoo sannadkan waxaa qabanayaa Gudoomiya kuxigeena Golaha wakiilada, Mudana A/asiis Mohamed SAMAALE, oo ah xildhibaan Degmada Allaybaday laga soo doorto.
Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)
DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND
Imtixaankan oo uu diyaariyay xafiiska imtixaannaadka Qaranka Somaliland, sidoo kalena aad loo adkeeyey habka qaadistiisa oo la waafajiyey nidaamka casriga ah ee loo maamulo imtixaanada shahaadiga ah ee caalamka, ayaa ku bilaabmay jewi deggan oo ardayda iyo masuuliyiinta ilaalinayeyba ku qaabileen kalsooni iyo dareen taxadar leh.
Ardayda u fadhiistay imtixaanka shahaadiga fasalka 4aad ee dugsiga sare oo tiradoodu dhan tahay 2,986 arday oo kala socday 36 dugsi sare, laguna furay maadadda diinta oo si rasmi ah 8:00 subaxnimo uga bilaabmay gobollada iyo degmooyinka dalka, waxa uu ku bilaabmay jewi aamusan oo aan jabaq lahayn, inkasta oo ardayda laga dareemayey waxoogaa firka-nax iyo cabsi ah ay ka qabeen habka ilaalinta imtixaanka, balse markii dambe caadi ku soo noqday markii ay yaqiinsadeen in aanay wax dhibaato ahi jirin, waxaannu arday kastaa ka mashquulay akhriska su’aalaha ku qoran nuqullada imtixaanka mid-mid ka loo hordhigay. Sidoo kalena waxay maadadda labaad oo ahayd English (paper one) si nefis ah oo aan cabsi lahayn ugu fadhiisteen abbaaro 10:45 barqanimo, waxaanay ka faraxasheen 12:45 duhurnimo, iyadoo arday waliba isticmaalay aqoontiisa gaarka ah iyo fahamka uu u leeyahay daruustii la soo baray.
Sidoo kale, ardayda fasallada 8aad ee dugsiyada dhexe, tiradooduna dhan tahay 6,586 arday oo ka kala socda 113 dugsi oo iyaga laga qaaday maadadda Diinta oo keliya, ayaa iyana furitaanka imtixaanka ku qaabilay jewi deggan oo aan wax cabsi ah wadan.wariyaalka tirsan warbaahinta dalka oo booqday qaarka mid ah goobaha uu ka bilaamay imtixaanada shahaadiga dhugsiyada sare iyo dhexe ee caasimada Hargeysa, ayaa dugsiga sare ee 26 June kula kulmay Guddoomiyaha Guddiga Imtixaanaadka Qaranka Md. Daa’uud Axmad Faarax oo waqtigaa ku gudo jiray kormeer uu ku marayey xarumaha imtixaanka lagu qaadayo, waxaannu uga warramay dareenkiisa ku wajahan sida uu imtixaanku ku bilaabmeen iyo waxyaabaha cusub ee sannadkan lagu soo kordhiyey habka qaadista imtixaanka shahaadiga ah.
“Imtixanku waxa uu ku bilaabmay jewi fiican oo aan wax dhibaato ah lahayn, waxaannu u soconayaa fasallada 8aad afar maalmood, hal sarena waxa uu u soconayaa lix maalmood.
Xagga imtixaanada Somaliland muddo toban sannadood ku dhow baanu imtixaanka ka soo qaadaynay, waanna markii ay ugu badnaayeen tirada ardayga u fadhiisanaysaa, weliba badnaanshiyo keliya oo tirada ardayda ah maaha, goobaha dugsiyada soo kordhay ayaa xataa iyaguna badan, masalan meelo aan lahayn jirin iskuulo iyo meelo hore oo aanaan imtixaanka ka qaadi jirin sida bariga Somaliland ilaa Buraan, Badhan iyo Dhahar, ayaa saaka ka dhacayaa sare iyo dhexeba, markaa sannadkan dhinac walba wuu u fidsan yahay, waanna wax Ilaahay loogu mahadiyo,” ayuu yidhi Daa’uud Axmed Faarax.
“Wuxuu sannadkan kaga duwan yahay waa sannad aad moodo inay rabshadu yar tahay, ilaa hadda wax buuq iyo wax dhibaato ah meelna lagama soo sheegin weli, nabadgalyana way ku wada tageen wax shil ahna ma jirin, ilaa haddana waxaad moodaa inuu aad iyo aad u qurux badan yahay, xataa wararka gobollada ka imanaya.”
Guddoomiyaha oo la weydiiyey su’aal ahayd tirada kordhanka ee ardayda ma ku jiraan gobollada iyo degmooyinka aydaan hore uga hawlgali jirin oo imtixaan noocan oo kale ah laga qaadi jirin, waxaannu ku jawaabay; “Haa, Gobolka Sool tiro farabadan ayaa ka soo korodhay dugsiyada sare oo hadda ka hor aan laga qaadi jirin, sannadkan annagaa [Somaliland] ka qaadnay, haddana waxay u fadhiyaan imtixaanka oo ilaa Badhan, Buran iyo Dhahar saaka [shalay] waa laga wada qaadayaa, xuduudihii Somaliland oo dhanna wuu wada gaadhay, waanna wax Ilaahay loogu mahadiyo.
Hawlwadeennada kala duwan ee ka shaqaynayey imtixaanka wax la soo koobi karo maaha, marka ciidammada lagu darana waxay noqonayaa in ku dhow kun qof,” ayuu Daa’uud Axmed Faarax hadalkiisa ku soo gunaanaday.
Geesta kale, imtixaanaadka maadooyinkii laga qaaday ardayda fasallada 4aad iyo 8aad ee dugsiyada sare iyo dhexe, waxa isla shalay duhurkii si rasmi ah loogu xareeyey xarunta guud ee imtixaanaadka qaranka.
Source: Jamhuuriya
Ciidamadan ayaa dhamaantood waxa ay kasoo jeedaan Gobolada SSC waxaana ay horay ugu jireen ciidamada maamul Goboleedka Puntland ee ku sugan magaalada Tukaraq waxaana ay magaalada Laascaanood soo galeen habeenimadii xalay halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen masuuliyiinta Gobolka iyo saraakiisha ciidamada ee ku sugan Gobolka Sool.
Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Sool ahna siihaya xilka Gudoomiyenimada Gobolka Maxamed Faaraxa Indho buur oo u waramayay shabakada afnugaal ayaa waxa uu u xaqiijiyay in ay maanta ay la kulmeen ciidamo gaadahya 300 oo askari kuwaas oo dhamaantood kasoo jeeda Gobolada SSC hadda noqon doona kuna biiri doonaan ciidamada qaranka ee Somaliland.
Xaflad lagu soo dhawaynayay ciidamadan oo ahaa labo qaybood ayaa waxa ay ka kala dhacday guriga Guulwadayaasha ee magalada Laascaanood iyo halka lagu magacaabo Dabaqii C/rashiid ee dhanka Galbeed ee magaalada waxaana halkaasi hadalo kala duwan kasoo jeediyay masuuliyiinta Gobolka iyo saraakiisha Somaliland uuna kamid ahaa Cismaan afdhiilo.
Gudoomiyaha oo halkaasi hadal kasoo jeediyay ayaa waxa uu yiri ‘ hadda waxaad kamid tihiin ciidamada qalabka sida ee Somaliland horayna waxaad u ahaydeen dad khaldan oo aan dantooda garanayn laakiinse waad kasoo noqoteen waxaadna kusoo laabateen dalkiinii iyo ciidiinii waxaadna hadda wixii ka danbeeyaya lamid noqon doontaan ciidamada Somaliland’
Hadaba ciidamadan maanta ay xaflada u sameeyeen masuuliyiinta Gobolka Sool iyo saraakiisha Somaliland ee ku sugan aaga Gobolka ayaa waxa ay ku wareejiyeen ciidamadan hadda soo gaadhay magalada Laascaanood kana soo goostay Puntland Saldhiga 7aad ee ciidanka Mahad Canbaashe halkaas oo ay ka tirsanaan doonaan.
Afnugaal News Desk
London (HWN)-- Mudane Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi ayaa si weyn u naqdiyey isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalo dhawaan ka soo baxay wasiirka cayaaraha Somaliland.
Haddaba shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews oo ku booqatay Mudane Mubaarik xafiiskiisa magaalada Birmingham si aanu wax uga weydiino eedayn uu wasiirka cayaarahu dhawaan usoo jeediyey oo ahayd inuu Mubaarik yahay waxma tare ayaa wuxuu ku jawaabay Mubaarik sidani
" ilaah waa ogaa wasiir kaa qayral masuulka ah calaacalkiisiyo fadeexadaa qaran ee aan asturay, soomaalida hore tidhi Dammeeraley Dad la xeer maaha, anigoon mid iyo laba ku dhamayn karayn inta jeer ee aan u xil qariyey anigoo isku hayey ummadda ma usoo bandhigta haddii uu aniga isooba doontay waa ilaahay mahadiiye waxaan doonaya inaan halkani ku soo bandhigi wixii aan ummadda u qabtay ee aanan xukuumad, xisbi iyo shakhsi ammaan iyo magac kaga doonayn ee aan islahaa da'yarta soo kacaysa ee somaliland wax ha loogu qabto iyo wixii aniga iyo ninkaasi wasiirka ah na dhex maray.
Iyadoo aanan weedho ku soo koobi karin wixii aan qabtay intii aanu isaga wada shaqaynaynay iyo intii ka sii horaysayba ee wasiirkii hore joogay amaba wixii ka soo horeeyeyba laakiin waxaan ka bilaabaya intii uu isagu joogay wixii aan qabtay.
sannadkii 2003-dii aan markii ugu horaysay taariikhda Somaliland aan uga dhex dooday ururka kubadda cagta ee NFB xubinimo ay ka hesho, taasina ilaahay waa igu guuleeyey waxaanan muddo kooban ka dib ku guulaystay inaan xulka qarranka ee kubadda cagta somaliland xubin uga hello NFB, shirkaasi somaliland xubinimadeeda lagaga dhawaaqay wuxuu ka dhacay magaalada London hotelka caanka ah ee Royal National Hotel waxaa intaasi ii dheera aniga oo kharashka ku baxay aan anigu jeebkayga ka bixiyey anigoon shakhsi iyo cid toona aan kala hadal.
waxaa jirta oo ay tahay arrinta ugu muhiimsan markii la qabanaayey cayaarahii gobolada ee sannadkii 2004-tii bishii September, ayuu ninkani wasiirka ahi cunay dhammaanba miisaaniyadii loogu tallo gallay inay cayaarahu ku qabsoomaan, wuxuu igula soo hadlay telefoon isagoo calaacalaya wuxuu igu yidhi waar mubaarigow inuu ilaahay ceebtaada asturo isoo astur wuxuu igu yidhi ma hayo wax alla iyo wax agab ah haddii ay tahay qallabkii lagu suurtagelin lahaa cayaaraha, waxaan u diray qallabkani hoos ku qoran
1- Afar shabaagyada golaasha ah
2- afar birihi koonayasha
3- sideed calamadii kornanayasha
4-laba iyo toban kubadood laba yihin kuwa Finalka
. 5-laba dirays kuwa sidhwalayasha oo sada
6-laba calan o ah kuwa garsoorka
7-laba banka kubadaha lagu buxiiyo oo ah mid weeyn iyo mid yar
8- afar irbadood kuwa kubada lagu buxiiyo
9-laba shanda dood oo ah kuba garsooraha ku jiran alaabtodi.
10-sidhiiyo ilaa lix xabo iyo xadhkahoodii
11- laba sacadaha garsooraha
12- labatan funanadood kuwa shaqalaha garoonku gashadan
Sannadkii 2003-dii ayaa Somaliland waxaa lagu marti qaaday inay Somaliland ka soo qayb gasho shirki ugu horeyay NFB oo lagu qabatay belgum , balse waxaa ayaan darrada jirta waxay tahay ninkani wasiirka ah oo xilkasnimo darradiisa weli ilaa wakhtigaasi ku guulaysan waayey inuu sameeyo xul qarran oo somaliland matala, waxaan ka codsaday oo aan ku idhi waar wax kasta oo la inooga baahdo kharash iyo mood iyo ficil aniga igu halle waxaa keliya ee aan kaa doonaya waa inaad soo xusho xul qarran oo somaliland matala oo tayo leh, wuxuu iigu jawaabay mubaarigow maxaa faa'iido inoogu jira lacag ee aynu ka faa'iidayna, waana taasi sababta uu wasiirku aniga iigu tilmaamay waxma tare, anigo dadkayga iyo dalkayga iyo da'yarta soo koraysa ee ah ubaxa somaliland waxaa iga go'an inaan hiil iyo hooba la garab istaago,
waxaa taasi ii dheer waxaan halkani ku diyaariyey waxaan wasiirka ku casuumay inuu ka soo qayb gallo shir ka dhacaayey London oo ay soo qaban qaabisay Haayadda kubadda cagta ee NFB, waxaanan waraaqdii casuumadda (official invitation letter) aan u dhigay safaaradda ingiriiska ee addis ababa, shirkaasi waxaa lagaga hadlaayey sidii gacan loogu heli lahaa waddamo badan oo ay somaliland ka mid tahay, laakiin itaal darro iyo karti la'aan ayuu wasiirku ka doonaan kari waayey visa-dii safaaradda.
waxaa ii raaca waxaan diyaariyey muunadii dirayska xulka kubadda cagta qarranka Somaliland waxaana iiga markhaati ah oo aan muunadaasi ugu dhiibay guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo aan ku dar daaray oo aan ku idhi muunadaasi saleebanow waadigaasi oo dalkii tagaye wasiirkii u dhibo waan soo wada dirayskii oo dhamaystiran.
markii xilka loo dhibay wasiirkani wax kale iska daayo xita waxaan u qallabeeyey xafiiskiisa, kursiga iyo miisku ku fadhiisto kharashkeeda ayaanu bixinay.
waxaan shakhsiyan u diray oo aan kala qayb qaatay inaan sannadkii 2003 dhigo koob kubadda cagta ah oo qiimahiisu dhanyahay 2000 oo dollarka maraykanka ah oo aan ku wareejiyey Hotelka Xaraf 28/122003 iyadoo ay markhaati iiga yahiin goob joogna ka ahaayeen dhammaanba xidhiidhada cayaaraha somaliland.
Haddaba wasiirku markuu aniga i leeyahay waxma tare, ma wuxuu u jeeda aniga iima roona oo lacag ima siiyo oo waxba igama soo gallaan wuxuu mubaarig ku bixiyo horumarka cayaaraha Somaliland.
waxaan ugu ballan qaadaya da'yarta somaliland iyo inta jecel horumarka cayaaraha dalkeena hooyo inaan weligay hiil u ahay garab iyo gaashana u ahaa una ahay, weligayna u ahaanaayo taageerida, kor u qaadista iyo tayaynta cayaaraha somaliland, laakiin wasiirka waxaan leeyahay haddii aad doonayso shilimaad adiga jeebka kuugu dhaca oo aanu waxba ka tari waynay waa mid aad shacabka u sheegi doonto'
Mudane Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo hadalka sii wata ayaa wuxuu yidhi 'imikadani aynu joogno inta u dhexaysa 7 July ilaa 13-ka July ee sannadkani waxaa ka furmaya magaalada Gällivare ee dalka Sweden koobka kubadda cagta oo ay dhigto ururka xidhiidhka caalamiga ah ee kubadda cagta adduunka ee VIVA, ayaan darradu waxay tahay Somaliland waa lagu marti qaadi lahaa oo ay ka soo qayb geli lahayd, balse karti darrada wasiirka ayaa sababtay in ay somaliland tahay bilaa xul qarran.
Haddii ay somaliland koobkaasi ka qayb geli lahayd xita keliya cayaara ahaan uun maahe waxay waxtar u ahaan lahayd geediga aynu ugu jiro inaynu aqoonsi caalami ah beesha caalamka ka hello, waxay sumcad iyo karaamo u tahay qarrankeena iyo callankeena oo ka ag babanaya dawladaha ka soo qayb gallaya calamadooda, waxaana masuuliyad darridaasi iyo karaamo seegaasi sabab u ah wasiirkani, inta jeer ee aan xita baryey ee aan ka codsaday inuu dhiso xul qarran cad iyo qiyaas malaha" ayuu soo gebo gebeeyey Mubaarig hadalkiisa.
Wasiirka cayaaraha Somaliland Maxamed Siciid Maxamed ayaa dhawaan weraysi uu siiyey saxaafadda qaarkeed wuxuu ku eedeeyey Mudane Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi iyo Xasan Waraabe Cadde oo labaduba ka mid ah qurba jooga gacanta ka gaysta horumarka cayaaraha inay yahiin waxma tarayaal, hadalkani Mubaarig ayaa wuxuu jawaab u yahay hadalkaasi hore wasiirka uga soo baxay.
Weraysigani Waxaa Hadhwanaagnews usoo qaaday
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Birmingham, UK.
Source: hadhwanaag
Hargeysa, (sl.no), 20 june 2008  -
Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro oo ugu horayn halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay Somaliland fursad u tahay Hay’add caalamiya oo ka socota dalka Maraykanku inay Xafiis ka furato, waxaanu u soo jeediyay Hay’addaha kale Maraykanka ee daneeya Dimuqraadiyadu inay Somaliland ka furtaan Xafiisyo, si ay u arkaan horumarka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ka hana qaaday.
Agaasimaha goboleedka Geeska Africa u qaabilsan Hay’adda [IRI] Mr. Ted Levassiur, ayaa sheegay inay Somaliland kala shaqaynayaan adkaynka dimuqraadiyadda ka hirgashay, isla markaana ay si gaar ah u dhiiri galinayaan ka qayb qaadashadda siyaasadda ee Haweenka, Dhalinyaradda iyo dadka laga tiradda badan yahay si ay ugu hirtaan hanka Hogaaminta dalka.
Masuuliyiin kala duwan oo iyaguna u hadlay sadexda Xisbi Qaran iyo Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Somaliland ee [SONYO] oo munaasibadda furitaanka xafiiskan ka hadlay, ayaa dhaamtood iska daba maray, sida ay u soo dhawaynayaan Xafiiskan cusub ee Mac’hadka Horumarinta Dimuqraadiyada u qaabilsan dalka Maraykanku ka furteen Somaliland, isla markanaa waxay Masuuliyiintaasi tilmaameen in uu noqonayo mid albaabo cusub u fura Xidhiidh wanaagsan oo beesha caalamka gaar ahaan kuwa dimuqraadiyadda daneeya iyo Somaliland yeeshaan Mustaqbalka. Harowo.com
Hargeysa (s.no) 18 june 2008 - Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dawladda Ingiriiska, ahna u qaybsanaha ururka dalalka Barwaaqo-sooranka Dr. Kin Howell
iyo wefdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa shalay ka soo deggay Madaarka Egal International Airport ee magaalada Hargeysa.
Wefdiga oo ka kooban shan xubnood waxa Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyey Wasiirrada Arrimaha Dibedda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Duulista iyo Hawada Md. Cali Maxamed Warancade, Arrimaha Gudaha Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Maayarka Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir iyo Saraakiil sarsare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.
Waxaanna wefdiga loo soo kaxeeyey dhinaca xarunta Madaxtooyada Somaliland, halkaasi oo uu Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ku qaabilay, isla markaana kula yeeshay wadahadal iyo xog-warsi dhinacyo badan taabanayey oo si gaar ah u khuseeyey xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska iyo qaddiyadda goonni-isu-taagga Somaliland.
Kulankaas kadib shir-jaraa,id oo Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibedda ee Ingiriisku ku qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa uu faahfaahin kaga bixiyey ujeeddada socdaalkiisa, isaga oo sheegay inay Madaxweynaha ka wadahadalleen qodobo badan oo ay ugu muhiimsan yihiin dhibaatooyinka iyo kor-u-qaadista dhaqaalaha Somaliland, in dhallinyarada shaqo abuuris loo sameeyo, xidhiidhka qotoda dheer ee u dhexeeya dawladda Ingiriiska iyo Somaliland sidii loo sii xoojin lahaa iyo arrimaha siyaasadeed ee Geeska Afrika ka taagan.
Waxaannu Wasiirul dawluhu caddeeyey in deeqda dawladda Ingiriisku sannad kasta ku caawiso Soomaaliya ay 40% siiyaan Somaliland, isaga oo intaa raaciyey in Ingiriisku uu ka caawin doono Somaliland dhinaca dhaqaalaha iyo dagaalanka argagixisada.
"Dad badan oo ku nool Geeska Afrika ayaa doonaya inay carqaladeeyaan nabadgalyada iyo xasiloonida Somaliland ka jirta, taas oo si adag uga shaqaynaysa sidii ay cagaheeda ugu istaagi lahayd, una noqon lahayd dawlad casri ah, waxa jira baahi weyn oo Somaliland u qabto in laga caawiyo ladagaalanka argagixisada, dawladda Ingiriiska ayaana taa ka caawin doonta," ayuu yidhi Dr. Kin Howell,
isaga oo intaa raaciyey in Somaliland ay daris la tahay dalal dhibaatooyin ka holcayaan, laakiin iyadu dadaalkeeda kaga badbaaday inay ku milanto goobaha colaaduhu hadheeyeen, isaga oo xusay in Somaliland leedahay dekad istaraatiji ah oo ku taal dhul muhiim ah oo noqon doonta awood wax lagala soo dego, isla markaana waxa uu tilmaamay in Somaliland dhinaca khayraadka dabiiciga ah qani ku tahay, iyada oo sahamo dhinaca macdantina ay ka socdaan.
Isaga oo Wasiirul dawlaha Arrimaha Dibedda Ingiriisku ka hadlayey dhaqaalaha Somaliland iyo taageerada dalkiisa waxa uu yidhi; "Miisaaniyadda Somaliland waxa ka maqan toban milyan oo giniga Ingiriiska ah (10 milyan pound), waqtigan xaadirka ahna caawimadda Ingiriiska ee loogu talo galay Soomaaliya, 40% waxaannu siinaa Somaliland, waxaananu diyaar u nahay in aannu dalka Somaliland ka caawino sidii uu dhaqaalihiisu u kobci lahaa, isla markaana uga maarmi lahayd inay mustaqbalka caawimo shisheeye ku tiirsanaato, sida oo kale waxaannu ka caawin doonaa sida ay dhallinyaradu shaqooyin u heli lahaayeen."
Wasiirka oo ka jawaabayey su,aal ahayd, dadka qoxootiga reer Somaliland ee ku nool dalka Ingiriiska ee sida khasabka ah loo soo celinayo, waxa uu yidhi; "Arrintan waxaannu kala tashan doonaa, isla markaana iskaashi kala yeelanaynaa xukuumadda Somaliland. Dalna ma ogollaanayo inay dadka soogelayti ahi weligood ku dhex noolaadaan, markastana xuquuqdooda waa la tixgelinayaa, waxaanan u maraynaa shuruucda annaga looga yaal."
Isaga oo Wasiirul-dawluhu ka jawaabayey su,aal kale oo ahayd waxyaabihii cajab galiyey ee uu ku kulmay Somaliland, waxa uu yidhi; "Waxa I qanciyey saxaafadda xorta ah, sida ii muuqata, waxa kale oo xoog ii dareen galiyey dareenka iyo shucuurta waddaniyadeed ee ka muuqata dadka reer Somaliland, runtii waa dad ka fikiraya mustaqbalka carruurtooda, isla markaana doonaya inay noqdaan dal la aqoonsan yahay oo ka mid ah beesha caalamka."
Dhinaca kale, waxa Wasiirul-dawlaha arrimaha dibedda iyo weftigiisu la kulmeen gaar ka mid ah dadka reer Somaliland ee haysta dhalashada Ingiriiska, iyaga oo aan haba yaraatee wax kulan ah la yeelan xisbiyada mucaaradka ah ayey isla shalayba ka dhoofeen dalka, iyada oo markii weftigu ka soo degeen madaarka Hargeysa uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale ka horistaagay suxufiyiinta inay wax su,aalo ah oo la xidhiidha socdaalkiisa ku weydiiyaan qolka martida oo weftiga lagu soo dhoweeyey.
Ma aha markii u horreysay ee wefti noocan ah booqdaan Somaliland, waxana hore u booqatay magaalada Hargaysa Xoghayaha Arrimaha Dibedda u qaabilsan Qaaradda Afrika dalka Maraykanka Mss. Jendayi Frazer iyo wasiiru-dawladihii hore ee Ingriiska u qaabilsanaa dalka Afrika.
Xilligan ayey bulshada caalamka khasab ku noqonaysaa inay il gaar ah ku hayaan nabadda iyo horumarka ka hanaqaaday Somaliland, iyadoo waqtigan Geeska Afrika ka holcayaan colaado daba dheeraaday iyo kuwo hor leh oo ka dhex qarxay waddamada Jabuuti iyo Eritrea.
Togdheernews
Hadaba waddan oo xidhnayd muddo 24 sano ah ayaa waxa xidhitaankeeda sobob u ahaa taliskii Maxamed siyaad bare, kadib markii ay ka dhigteen xeryo Mulatari aanay ka buuxiyeen  noocyada Miinooyinka kale duwan  sidda ANTI TANK, hadaba waxa hawlo shaqo ka fulinaaya waddaasi Haayada HALO TRUST  taasi oo ah laba dhinac oo kale ah ka nadiifinta Miinooyinka iyo walxaha qarxa  iyo iyada oo ay daba socoto cagafcagaftii banaynaysay  waddada.
Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Arabsiyo Mr. Sitiin waxaanu yidhi Gudoomiyuhu  Allaybaday iyo Arabsiyo ma kala  maarmi karaan waana laba magaalo oo waligoodba  uun ka dhexeeyay  wax wadda qabsi, waxaanu yidhi waxa aan aad ugu mahadnaqayaa cid kasta oo gacan ka gaysatay Hawlaha Wadadan.
Waxa kale oo isna xafladaasi ka hadalay Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Mr. Xasan Cabdi Cali ( shahar) wuxuuna hadalkiisii ku bilaabay Mahadnaq uu usoo jeediyay Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha JSL  Mudane C/laahi Ismaaciil Cali ( C/laahi cirro) iyo Suldaan Axmed nuur C/laahi Samaale oo  uu uga mahadnaqay sida ay xilka wayn iskaga saareen siddii ay u qabsoomi lahayd hawshani waddadu, wax kale oo uu intaasi raaciyay waxa aan aad iyo aad ugu faraxsanhay waddadani oo dhib wayn ay ka haystay guud ahaan Deegaanka Allaybaday oo uu isu socodka gaadiidku dhib yahay  xiliyada roobka, waxa kale oo uu yidhi Arabsiyo xaq iyo xuquudii ay ku lahayd Gabiley iyo Allaybaday ka may helin siddaa daraadeed waxa ay istaahishaa in ay noqoto Xarunta Gobolwaynaha Gabiley sobobtoo ah Arabsiyo waxa ay ku taalaa ayuu yidhi meel istaraatajiya siddaa daraadee anigu waxa aan ka shaqayn doonaa siddii aan ugu dhaadhicin lahaa  dhinacyada sidii ay u noqon lahayd Arabsiyo Xaruntii Gobolwaynaha Gabiley ayuu yidhi Gudoomiye Xasan.
Ugu danbayntii waxa uu u mahad naqay Haayadan fulinaysa oo ah Hallo Trust  iyo cidkasta oo gacan  ka gaysatay, waxa kale oo uu kusoo dhaweeyay cid kasta oo rabta in ay gacan kagaysto guddo iyo dibadba,isaga oo waliba  sigaara farta ugu fiiqay jaaliyadaha reer Somaliland ee kazoo jeeda Degmadan Allaybaday.
Ugu danbayntii waxa isna halkaasi ka hadlay Suldaan Axmed C/laahi samaale oo yidhi waxa aan ku faraxsanahay hawsha laga waddo waddadani isaga oo ka sheekeeyay taariikhdii wadadan iyo sidda ay Muhiimka ugu tahay Gobolwaynaha Gabiley iyo Dalka intiisa kaleba waxaanu u Mahadnaqay Haayada Hallo Trust oo uu sheegay in ay si wanaagsan oo dhago nuglaan ah iiga aqbalay codsigaygii ayuu yidhi suldaanku, dhanka kale waxa uu Suldaan Axmed nuur  ka hadlay oo uu usoo jeediyay dadka Deegaanka in ay noqdaan kuwo wax lasoo baxa maadaama oo ay aduunka ka jiraan Sixir barar iyo cunto la’aan baahsani,waxa kale oo yidhi waxa aan usoo jeedinayaa qurba jooga reer Somaliland iyo dawladba in ay taageeraan waxsoosaarka beeraha si isku filaansho loo gaadho ayuu hadlkiisii kusoo gabagabeeyay Suldaanku.
Waa markii labaad ee mudo 3 sanno ahi Haydan wadanigi ay miidho baaddhis iyo wado banayn ka samayso gobalweynaha Gabiley, gaar ahaan Degmada Allaybaday.
Suldaanka Guud ee Degmada Allaybaday  Suldaan Ahmed A/lahi SAMAALE, maamulka Degmada Alllaybaday, odayaasha, qurbo joogta iyo dhamaan waxgaradka Allaybaday waxay in mudoba wadeen sidii jid laamiya loogu helilahaa Degmada Allaybaday, arintaas oo aan wali guul la taaban garo laga gaadhin.
Dhinaca kale waxaa jira dedaal balaadhan oo uu horkacaayo Suldaanka Degmada Allaybaday Suldan SAMAALE, Gudoomiyashaa degmooyinka: ARABSIYO, ALLAYBADAY, FARAWEYNE, DAARA-SALAAM, CALI-XAYDH, TOGWAJAALE iyo degaanka XEEBTA gobolka, sidii horemarin weyn loogu samayn gobolweynahay cusub ee GABILEY,  caasimadna looga dhigaayo magaalada ARABSIYO.
Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)
DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND
Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)
Email: hilqadm@hotmail.com
Hargeysa (sl.no) 18 june 2008 - Wefti ka kooban shan xubnood oo uu hoggaaminayo la taliyaha iyo kaaliyaha gaarka ah ee ganacsadaha weyn ee Al-cammuudi, ayaa maanta booqasho hawleed ku yimi magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.
Weftigan oo uu Madaarka caalamiga ah ee Cigaal ku soo dhaweeyey Agaasimaha Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, ayaa sidoo kale waxa ka mid ahaa Mr. Robert J. Rossetter oo lataliyaha Guddoomiyaha shirkadda shidaalka ee lagu magacaabo Svenska Petroleum Exploration oo xarunteedu tahay magaalada London ee carriga Ingiriiska.
La-taliyaha iyo kaaliyaha gaarka ah ee ganacsidaha Al-cammuudi, Mr. Nabiyu Sameul oo saxaafadda warbixin kooban ka siiyey socdaalkooda, kadib markii uu ka soo deggay garoonka Cigaal, ayaa sheegay in socdaalkoodan oo qaadan doona muddo laba maalmood ah ay masuuliyiinta xukuumadda kala hadli doonaan arrimo la xidhiidha dhinaca shidaalka iyo gaasta dabiiciga ah.
Al-cammuudi oo ah ganacsade caan ah oo u dhashay dalka Sucuudiga, ayaa waxa xarun u ah magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, guud ahaan dalkaas oo uu u qabtay marka laga yimaaddo ganacsigiisa waxyaabo badan oo qiimo leh, lana xidhiidha dhinaca horumarka bulshada.
Sidoo kale waxa wararku sheegayaan in Mr. Al-cammuudi uu muddoba ku hamiyaayey sidii uu ganacsigiisa ugu soo fidin lahaa dhinaca Somaliland, isla markaana uga hirgelin lahaa waxyaabo waxtar leh oo uu ugu tabaruco bulshada ku dhaqan Somaliland.
Source:Togdheernews
Hargeysa (sl.no) 17 june 2008 - Wasiirul dawlaha Wasaarada Arrimaha Dibada Dalka Ingiriiska isla markaana u qaabilsan Dawlada Ingiriiska Dalalka Barwaaqo Sooranka iyo  wefdi balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa saaka abaaro 9:30 subaxnimo Madaarka Cigaal International ka soo degay.
Wefdiga waxa Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiirada  Arrimaha Dibada Somaliland Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale , Duulista iyo Hawada Mudane Cali Waran Cade , Arrimaha Gudaha Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cirro, Maayarka Hargeysa Eng Jiciir  iyo Saraakiil sare oo ka tirsan.
Intaasi ka dib waxa wefdiga loo soo qaaday dhinaca Madaxtooyada Somaliland , halkaasi oo uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ku qaabilay Xafiiskiisa.
Ma aha markii u horaysay ee wafti noocan ahi ay tagaan dalka Somaliland, waxa hore u booqatay magaalada Hargaysa xoogahayaha arimaha dibada u qaabilsan qaarada Afrika dalka Maraykanka iyo iyada oo uu hore isna u booqday wasiiru dawlahaii hore ee Ingriiska u qaabilsanaa dalka Afrika, sideedaba waxa baryahan danbe ku soo qul qulaaya Somaliland madax kala gadisan oo ka kala socda caalmka iyada oo aan qaarkoodna aan la shaacinin inta badan, kuwaasi oo aad ula dhacsan gooni isu taaga Somaliland xiligani.
Xiligan ayay bulshada caalmaka khasab ku noqonaysaa in ay il gaar ah ku hayaan nabada iyo horumarka ka hana qaaday Jamhuuriyada Somaliland, taasi oo xiligan ay geeska Afrika ka holcayaan colaado soo daashaday iyo kuwo hor leh oo ka dhex qarxay wadamada Jabuuti iyo Eritrea, taaso oo ay xaqiiqdu tahay in Somaliland tahay dalka qudhaata ee geeska Afrika ku yaala ee aanay wax colaado ahi ka holcaynin ama aan dalkale dagaal kula jirin , isla markaasina ay tahay in bulshada caalmku ay siiyaan aqoonsi deg deg ah oo lagu sii xoojiyo amaanka iyo horumarka Somaliland isla markaasna ay Somaliland ka qayb qaadato dajinta iyo xalinta khilaafaadka ka taagan geeska Afrika, waxana hubaal ah in Somaliland leedahay khibrad ay ku damin karto colaad ageeska Afrika taasi oo ay hada u taag iyo maaro laayihiin bulshada caalamku.
Source Qarannews